SABUURRADII 138

1Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa, Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa, 2Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa, Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood, Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan. 3Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay, Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay. 4Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga. 5Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay. 6Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan. 7In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa, Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda, Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa. 8Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan, Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa, Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.

will be added

X\