Select Bible Language & Version
No Text for selected version, book, and chapter
1 Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana, Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga. 2 Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay, Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa. Rabbiga ammaana.