BILOWGII 38

1Oo waagaas waxay noqotay inuu Yahuudah ka tegey walaalihiis, oo wuxuu u leexday nin magiciisa la odhan jiray Xiirah oo reer Cadullaam ah. 2Markaasaa Yahuudah wuxuu halkaas ku arkay nin reer Kancaan ah oo magiciisa la odhan jiray Shuuca gabadhiisii. Kolkaasuu kaxaystay iyadii oo uu u tegey. 3Wayna uuraysatay oo waxay dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceer. 4Oo haddana mar kalay uuraysatay oo waxay dhashay wiil; magiciisiina waxay u bixisay Oonaan. 5Oo weliba haddana wiil kalay dhashay, magiciisiina waxay u bixisay Sheelaah; oo isna wuxuu joogay Kesiib, markay dhashay isaga. 6Markaasaa Yahuudah naag u guuriyey curadkiisii ahaa Ceer, magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar. 7Yahuudah curadkiisii ahaa Ceer waa ku xumaa Rabbiga hortiisa; Rabbiguna waa dilay isagii. 8Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi Oonaan, Naagta walaalkaa u tag oo dumaal, oo ku samee wixii ninkeeda walaalkiis ku samayn lahaa, oo farcan u reeb walaalkaa. 9Oonaanna wuu ogaa inaan farcanku kiisii noqonayn, oo markuu u tegey naagtii walaalkiis ayuu shahwadiisii ku daadiyey dhulka, si uusan farcan u siin walaalkiis. 10Wixii uu sameeyeyna Rabbiga hortiisa aad buu ugu xumaa; oo markaasuu isagiina dilay. 11Markaasuu Yahuudah ku yidhi gabadhii Taamaar oo uu soddogga u ahaa, Carmalnimo ku joog guriga aabbahaa, ilaa uu wiilkayga Sheelaah koro; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo uu isna dhintaa sidii walaalihiis. Kolkaasay Taamaar tagtay oo gurigii aabbeheed joogtay. 12Wakhti dheer ka dib waxaa dhimatay Shuuca gabadhiisii oo ahayd naagtii Yahuudah. Markaasaa Yahuudah loo tacsiyeeyey, oo wuxuu tegey xagga kuwii idihiisa dhogorta ka xiiri jiray oo joogay Timnaad, isaga iyo saaxiibkiis Xiirah kii reer Cadullaamba. 13Markaasaa Taamaar loo sheegay, oo waxaa lagu yidhi, Bal eeg, soddoggaa wuxuu tegayaa xagga Timnaad inuu idihiisii dhogorta ka soo xiirto. 14Markaasay iska dhigtay dharkii carmalinimadeeda, oo waxay hagoogatay indhashareerteedii, oo intay isdedday ayay waxay fadhiisatay iriddii Cenayim, oo ku ag tiil jidka loo maro Timnaad, waayo, waxay aragtay inuu Sheelaah weynaaday, oo aan loo guurin iyada. 15Markii Yahuudah arkay ayuu u maleeyey inay dhillo tahay; maxaa yeelay, wejigeeday qarisay. 16Kolkaasuu ku soo leexday iyadoo jidka ag fadhida, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay aan kuu tagee; waayo, ma uu ogayn inay tahay gabadhii uu soddogga u ahaa. Kolkaasay waxay ku tidhi, Maxaad i siinaysaa aad ii tagtide? 17Markaasuu wuxuu ku yidhi, Waxaan adhiga kaaga soo diri doonaa waxar. Iyana waxay tidhi, Rahaamad ma i siinaysaa intaad ii soo diraysid? 18Isna wuxuu yidhi, Maxaan rahaamad kuu siiyaa? Kolkaasay tidhi, I sii kaatunkaaga iyo xadhiggaaga, iyo ushaada aad gacanta ku haysatid. Kolkaasuu siiyey, oo uu u tegey iyadii, oo iyana xaggiisay ka uuraysatay. 19Kolkaasay kacday oo tagtay, oo intay indhashareerteedii iska dhigtay, ayay xidhatay dharkii carmalinimadeedii. 20Markaasaa Yahuudah waxar adhiga ka soo diray oo wuxuu ugu soo dhiibay gacanta saaxiibkiis kii reer Cadullaam, inuu rahaamaddii ka soo qaado gacantii naagta, laakiinse iyadii wuu waayay. 21Markaasuu weyddiiyey dadkii degganaa meesheedii, oo wuxuu ku yidhi, Meeday dhilladii joogi jirtay Cenayim jidka dhinaciisa? Kolkaasay iyana ku yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin. 22Markaasuu ku noqday Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Iyadii waan waayay, dadkii meeshaa degganaana waxay igu yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin. 23Markaasaa Yahuudah yidhi, Ha iska qaadato, waaba intaasoo aynu ku ceebownaaye; waayo, bal eeg, anigu waxaan u diray waxarkan, waana aad soo weyday iyadii. 24Oo waxay noqotay in muddo saddex bilood ku dhow dabadeed Yahuudah war loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Gabadhii Taamaar oo aad soddogga u ahayd waa dhillowday; oo dhillanimadeedii bay ku uuraysatay. Markaasaa Yahuudah yidhi, Soo bixiya oo ha la gubo. 25Kolkaasay markii la soo bixiyey farriin u dirtay soddoggeed, oo waxay tidhi, Ninka alaabtan leh ayaa i uureeyey; oo waxay kaloo tidhi, Waan ku baryayaaye, bal hubso ninka leh kuwan ah kaatunka iyo xadhkaha, iyo usha. 26Markaasaa Yahuudah qirtay iyagii, oo wuxuu yidhi, Iyadu way iga xaqsan tahay, waayo, waxaan iyada siin waayay wiilkayga Sheelaah ah. Mar dambena uma uu tegin iyadii. 27Oo bal eeg, markii ay foolatay mataano baa ku jiray maxalkeeda. 28Oo waxay noqotay, in markii ay foolatay uu midkood gacan soo bixiyey; markaasay umulisadii qaadatay dun guduudan oo ay gacantiisii ku xidhay, oo waxay tidhi, Kanaa soo hor baxay. 29Oo waxay noqotay, markuu gacanta dib u ceshaday, inuu walaalkiis soo baxay; oo iyana waxay tidhi, De maxaad u soo dustay? Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Feres. 30Dabadeedna waxaa soo baxay walaalkiis, kii ay dunta guduudanu gacanta ugu xidhnayd; magiciisiina waxaa loo bixiyey Serax.

will be added

X\